Hooyadaa gacmaha ka soo dhaq

<< AI Guurdoon Service


Hooyadaa gacmaha ka soo dhaq
Wiil dhalinyar ah ayaa shaqo maamule dhexe ka codsaday shirkad weyn.

Markii uu soo najaxay wareysigii shaqada ayaa waxaa loo balamiyay in uu la kulmo maamulaha sare ee shirkada.

Markii uu maamulaha la kulmay ayuu weydiiyay xaalada qoyskiisa.

Wiilkii ayaa u sheegay in aabihiis dhintay isagoo hal sano jira oo hooyadiis isaga keliya ay dhashay.

Waxa uu waydiiyay cida jaamacada ka bixisay isagoo u sheegay in hooyadiis ay ka bixisay.

Waxa uu waydiiyay hooyadiis waxa ay ka shaqayso isagoo u sheegay in ay ka shaqayso goob dharka hoteelada lagu dhaqo.

Waxa uu ku yiri "gacmahaaga i tus." Markii uu tusay ayuu arkay in uu leeyahay gacmo aad nadiif u ah oo jilicsan.

Markaas ayuu waydiiyay "waligaa hooyadaa maka caawisay shaqada nafaada?"

Waxa uu ku jawaabay "maya, hooyadeey mar kasta waxay dooneysay in aan wax akhristo."

Maamulihii ayaa ku yiri "hal arin ayaa kaa xigta in aad shaqadaan hesho."

"Caawa marka aad guriga tagto waxaad dhaqdaa gacmaha hooyadaa."

Wiilkii oo shaqada aad u doonayay ayaa qaatay amarkii maamulaha oo habeenkii marka uu tagay guriga ayuu hooyadiis ka codsaday in gacmaheeda dhaqo.

Hooyadiis ayaa la yaabtay codsiga wiilkeeda balse waa u ogolaatay in uu gacmaheeda dhaqo.

Markii uu gacmaheeda dhaqay ayuu arkay sida ay gacmaheeda u noqdeen adeyg shaqada darteed oo ay meelo badan ka dhaawacanyihiin.

Wa ilmeeyay wiilkii oo waxa uu fahmay dhibka ay ka soo martay in uu horumar gaaro. 

Subaxdi markii uu la kulmay maamulaha shirkada ayuu waydiiyay in uu hooyadiis gacmaha ka dhaqay iyo waxa uu soo fahmay.

Wiilkii ayaa ku jawaabay "Haa, oo waxaan fahmay dhibka ay hooyadeey u martay in aan horumar gaaro."

"Waxaan fahmay muhiimada ay leedahay in aan waalidkeey u mahadceliyo una abaalgudo."

Isagoo intaas ku daray "hooyadeey la'aanteeda meesha aan maanta joogto ma gaari lahayn."

Maamulihii ayaa ku yiri "waa ku siiyay shaqada. Waxaan doonayay qof fahmaya muhiimada ay leedahay in uu ka mahadnaqo caawimaada dadka kale."

Waligaa ha hilmaamin in aad ka mahadnaqdo dadaalka ay waalidkaa soo galiyeen horumarkaaga iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay. 

Share with friends



Whatsapp
Telegram

AI calafkaaga hakuu raadiso adiga oo jiifa