Iyadoo ay rag badan ay raadinayaan sidii ay raganimadooda kor ugu qaadi lahaayeen ayaa waxay isticmaalaan daawooyin kuwaasoo mararka qaar laga yaabo in ay raganimada wax u dhimaan ama cuduro kale ku abuuraan qofka isticmaala. Ragga qaar ayaa isticmaala kaniiniga, qaar ayaa isticmaala saliid iyo waxyaabo kale oo aysan ogeyn waxa laga sameeyay.
Hadaba ragoow ma ogtahay in ay jiraan waxyaabo dabiici ah oo aan lacag kaaga baxayn ama aan caafimaadkaaga wax u dhimeyn oo aad kor ugu qaadi karto raganimadaada. Talooyinkaan ayaa sidoo kale anfacaya dumarka.
1. Jimicsiga iyo socodka
Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in 30 daqiiqo oo socod ah ay kala bar hoos u dhigi karto qatarta kacsi la'aanta. Jimicsiga iyo socodka ayaa waxay furaan isku socodka dhiiga, iyadoo taasi kor u qaadaysa kacsiga ragga iyo in ay ku daahaan hawsha galmada oo aysan horey ka biyo bixin.
2. Cuntadaan cun
Tayada cuntadu isku mid ma ahan marka ay timaado galmada. Kaluunka, qudaarta, galeyda, masagada iyo qamadiga ayaa ka mid ah cuntooyinka ugu wanaagsan ee kor u qaada tayada galmada. Sidoo kale cuntooyinka sida hilibka, bariiska iyo baastada ayaa hoos u dhiga tayada galmada. Waxaa sidoo kale galmada aad ugu fiican cuntooyinka ay ku jiraan Multivitaminka iyo qaasatan Vitamin D oo laga helo caanaha, ukunka, farmaajada iyo kaluunka tunada ayaa aad loo amaanay. Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in ragga uu ku yaryahay Vitamin D ay 30% galmada kaga liitaan kuwa kale.
3. Culeyskaaga hoos u dhig
Cayilku waxa uu kordhiyaa qatarta cuduro badan sida sonkorta, dhiig karka iwm, kuwaasoo iyaguna hoos u dhiga tayada galmada. Waxaa cilmi baaris lagu ogaaday in ragga cayilan ay 50% kaga liitaan galmada kuwa kale. Hadaba haddii aad doonayso in aad galmo raaxo leh in aad hesho cayilka iska ilaali.
Haddii aad cayilan tahay iyo haddii kale, isku samee baaritaan caafimaad. Qofba qofkuu ka cudur yar yahay waa kaga fiicanyahay sariirta iyo galmada. Qofka caafimaadka qabaa waa ka hawl badan yahay kuwa kale, degdegna uma daalo. Dumarku waxay doonayaan nin hawl kar ah oo mudo galmada wadi kara.
4. Iska baar caafimaadka ilkaha
Baaritaan ayaa lagu ogaaday in ay xiriir leeyihiin cudurada ku dhaca ilkaha iyo awooda xubinta ragga. Waliba waxaa la sheegay in cudurada ku dhaxa ilkaha ay dhaawac u geystaan xididada dhiiga u qaada ee xubinta ragga. Hadaba haddii aad ilkaha ka xanuunsantahay ogoow in hoosnaaad ka xanuunsantahay.
5. Stress ka iska yaree
Stresska, walwalka iyo walaaca ayaa la ogaaday in ay saameyn weyn ku leeyihiin raganimada.
6. Hurdo fiican seexo
Hurdada ayaa saameyn aad u weyn ku leh hawlkarnimada qofka bani'aadamka ah. Haddii ay tahay shaqada aad nolol maalmeedka ka hesho iyo shaqada sariirta intaba waa muhiim in aad hurdo fiican seexato.